- Maanta waa maalintii Maxkamaddan Guryuhu qaban lahayd garsoorka iyo kulannada lagu magacaabo “dhexdhexaadinta” si loo xalliyo kiisaska.
- Haddii ay kugu adagtahay inaad fahamto ama ku hadasho Af-Ingiriis, waxad xaq u leedahay turjubaaan. Turjubaanku waa bilaash. (Turjubaanku ha istaago.)
- U sheeg karraaniga inaad u baahanatahay tujubaan ama farta ku fiiq afka aad ku hadasho ee ku yaalla warqadda ku dhaggan xafiiska karraaniga
- Waxaad xaq u leedahay inaad kiiskaaga hordhigto garsoore ama aad la kulanto qof u shaqeeya maxkamadda oo lagu magacaabo “Khabiirka Guryaha” Khabiirka Guryuhu wuxuu adiga iyo milkiilaha guriga idinka caawin karaa in kiiskiinna la xalliyo idinka oo aan garnaqsan. Tan waxa lagu magacaabaa dhexdhexaadin.
- Dhexdhexaadinta labada dhinac waxay ku gaari karaan heshiis. Haddii aad heshiis gaari kari weydaan, waxaad heli kartaan in kiiskiinna garsooruhu go’aan ka gaaro.
- Waxa jiri kara Qareen Maalintaas uun kaala shaqeeya buuxinta waraaqaha maxkamadda ama ku siiya kaalmo xaddidan.
- Waxa kale oo jira barnaamij lagu magacaabo Barnaamijka Badbaadinta Kiraystayaasha oo caawin kara kiraystayaasha soo waajahay in guryaha looga saaro sabab laga yaabo inay la xiriirto laxaad la’aan ama isticmaalka maandooriyaha.
- Haddii aad qabto wax su’aal ah oo arrimahan ku saabsan, fadlan u sheeg Karraaniga.
Contact
| Last updated: | December 26, 2019 |
|---|